Ex. Xildhibaan Mustafe Mukhtaar Guudow Oo Maanta ka hadlaayey Shir Jaraa’id ay qabtaan Gollaha Badbaadda KGS ayaa sheegey in dhawaan dharaar cad shir weyne looga hadlaayo Mustaqablka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ku qabanayaan Hotel Bakiin Ee Magaalada Baydhabo, wuxuuna Sheegey in Ciida ku hanjabeysa inay tuurto Xabadda ay tahay dambiile.
“ Shariif Xasan Sheekh Aaden la soco meesha aan shirka ku qabaneyno waa HOTEL BAKIIN , Waa meeshii adigu shirkaagu lagu qabtey annigaa hogaaminaayey Meesha Ayaan fadhiisaney Shacabka Baydhabo way diidanaayeen, Taayeero ayay gubayeen ; sida aan meesha kuuga geyney waad ogtahay Maxaa markaas dadkaas loo habadeyn waayey ?; doorashadaas markii ay dhaceysayna 400 ergo ayaa la isugu keeney halkaas, sidaas ayaa madaxweyne ku noqotey markaas ayaad annagu naleedahay ma shiri kartaan , Hadalkaas ma soconaayo , Shariif Xasanow Shirkaas waa la qaban doona, ma baaqanaayo, Degaankan horumar ayaad gaarsin weysay, safaro xad lahayn ayaad ka bixi weysay” ayuu Mr. Guudow.
Ugu dambeyntii, hadalkan ayaa imaanaya xili dhawaan GOLLAHA wasiiradda KG Somali ay soo saareen in aan la qaban ka jirin shirar aysan Lamaaha Amaanka isla markaana waxa digniin adag laga bixiyey qabashadda shirarkaas.
Halkan Ka Daawo dhageyso