Tababar ku saabsanaa xoriyadda hadalka, sharciga saxaafadda ee Dowladda Somalia wado iyo nuuca ciqaabta markii uu wariyuhu gaf ku kaco ayaa maanta lagu qabtay magaaladda Muqdisho, tababarkaan waxaa soo qaban qaabiyay ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee (NUSOJ) waxaana ka qeyb galay 35 wariye oo ka kala socday qeybaha warbaahinta ee Muqdisho iyo kuwa gobaladda dalka.
Saxafiyiintu waxay heleen kadibna ay aad u faaqideen qoraalka sharciga saxaafadda ee ay dhowaan ansixiyeen golaha wasiirrada Somalia , waxaa ay ka qeyb galayaashu sheegeen inuu xeerkani yahay mid xadidaya xoriyadda hadalka sidoo kalana wata ciqaabta dambiga ee xeerka ciqaabta Somaliyeed, sidoo kale waxaa ay sheegeen inuu yahay mid aan ixtiraameynin afkaarta dadweynaha.
Ujeedadda mashruucan ay u qabatay NUSOJ oo taageero ka heleysa (IFJ) ayaa lagu sheegay iney tahay in nidaamka dimuqraadiga ah ee Somalia gacan laga siiyo xeer-saxafadeed hufan kaasoo loo marayo wanaajinta fahamka saxafiyiinta ee xorriyadda hadalka iyo in sidoo kale ay saxafiyiintu ogaadaan halista uga imaan karta xeerka ay golaha wasiiraddu meel mariyeen gaar ahaan qodobka ciqaabta oo la rabo in wariyaal badan kiisas lagu oogo kadibna qodobkaas loo cuskaddo.
“Waa ognahay siyaasiyiinta doonaya iney xeerkaan uga faa’iideystaan sidii loo yareyn lahaa saxaafadda madaxbanaan ayuu yiri Cabdi Aadan Guuleed oo ah siihayaha xilka madaxtinimada golaha sare ee NUSOJ.
“Qodobka sharciga jariimooyinka ee ku jira xeerka saxaafadda ee dhowaan wasiiraddu ansixiyen waa mid aan ka turjumeynin madaxbanaanida saxaafada iyo xoriyadda hadaalka, waxaa la doonaya in la aamusiyo saxaafadda madaxabanaan ee Somalia taasna ma qaadan karno waxaana ku daadaaleyna in la badalo qodobkaas ayuu yiri Cumar Faaruq Cusmaan, xoghayaha Guud ee NUSOJ.
Madaxdda NUSOJ iyo wariyaashii ka qeyb galay kulanka ayaa isku raacay iney dib u cusbooneysiyaan doodda ku saabsan in qodobka ciqaabta ee xeerka saxaafadda lagu laabto kaas oo laga soo xaday xeerka ciqaabta dalka.