Beesha Habar Gidir oo kamid ah beelaha Hawiye ayaa maamulka Koofur Galbeed ku dhaliishay ineysan siinin xaquuqdii ay ku lahaayeen deegaanada maamulkaas.
Imaam Cabdullahi Khaliif Rooble oo kamid ah Imaamyada beelaha Habar Gidir ayaa sheegay in Beeshiisa aysan xaquuqdii siyaasadeed iyo awood qeybsigii ay xaqa u lahaayeen aysan ka helin maamulka Koofiur Galbeed.
HOOS KA DHAGAYSO WAREYSIGA
|”Beesha Habar Gidir waxaa ay si weyn u degtaa Sh/Hoose, sideediisa degmo, marka maamul ahaan aad ayaan ugu liidanaa mana aanan helin xaquuqdii dhanka siyaasadda”ayuu yiri Imaamka waa situu hadalka u dhigay.
Dhanka kale, waxaa uu ka hadlay dagaalo soo laab laabtay oo Sh./Hoose ku dhexmara beelaha Habar Gidir iyo Biyo-maal waxaana uu sheegay in xalka uu ku jiro in lawada hadlo.
Madaxweynaha Koofur Galbeed iyo maamulkiisa ayaa lasoo sheegayaa in marar badan cabashadaan loo gudbiyay laakiin kama uusan jawaabin.
Teedakela imaamkaani wuxuu sheegay inuu shariif xasan naga balan qaaday madaxaweynekuxigeenka maamulkaasi hadaan wayno tilaabo ayaan qadaynaa waa siduu hadalka u dhigay