Xildhibaanada maamulka Koofur Galbeed ayaa maanta shir ay ku qabteen magaalada Muqdisho ku soo gudbiyay warbixino la xiriirira maamulka Koofur Galbeed, iyagoo gogol u dhigay Siyaasiyiinta, Odayaasha dhaqanka,bulshada rayidka, haweenka iyo dhalliyarada ka soo jeeda gobollada Koofur Galbeed, xildhibaanada waxay ka warrameen siyaasada guud ee Madaxweyne Shariif intii uu xilka hayay, iyo horumar la’aanta, waxay ka hadleen arrimaha bulshada, nabadgelyada, maamul xumada, musuq maasuqa baahsan iyo ku takri falka awoodaha xafiiska madaxweynaha.
Xildhibaan Cali Xasan Cusmaan oo ka mid ah mudanayaasha KG ayaa aad uga hadlay dhamaan qodabada dastuurka ah ee uu jebiyay Mudane Shariif Xasan, sheegayna inaanay u dulqaadan Karin intaan ka dib, ayna diyaar u yihiin inay xilka ka qaadaan Sh. Xasan isagoo sheegay in ay 94 xildhibaan ku saxiixeen mooshin la xisaabtan ah oo la horgaynayo baarlamaanka KG 17ka bishan.
Xildhibaan Amiin ayaa sheegay in mudane shariif xafiiskiisu yahay diyaarad dusheeda uuna dan ka lahayn bulshada uu hogaamiyo sidaa darteena la gaaray xiliigii uu bixi lahaa.
Xildhibaan Dhubbad ayaa isagana ka hadlay arrimaha bulshada, abaaraha iyo barakacayaasha ku nool magaalada Baydhaba iyo sida maamulka Shariif ugu xad gudabyo dadkaa tabalaysan iyagoo iibsanaya macaawinadii loogu talo galay dakaa tabaalaysan, xildhibaano fara badan oo ka soo jeeda Koofur Galbeed ayaa aad ugu nuux nuuxsaday dhibaatada weyn ee ka taagan gobolka iyo in la gaaray xilligii Shariif Xasan laga qaadi lahaa xilka uu ku qaatay sida aan waafaqsanayn sharciga.
Wasiirkii hore Dastuurka Maxamed Nuur Carraale ayaa aad uga hadlay oo shaki weyn geliyay sharciyadda uu ku joogo Shariif Xasan, wasiirka wuxuu yiri, madaxweynaha ergo ayaa dooratay, dastuurkana 60 casho ayuu u oggolaa inuu baarlamaan ku soo dhiso ka dibna baarlamaanka dib u doorto oo la xalaaleeyo, maadaama sadex sano ka soo wareegatay oo uusan baarlamaanka kalsooni weydiisan uu yahay madaxweyne aan sharci ahayn, uguna baaqay Guddoomiyaha baarlamaanka koofur galbeed inuu guddi doorash0 sameeyo si loo doorto madaaxweyne cusub sida ugu dhakhsiyaha badan, illayn waa madaxweynaha kaliya ee maamulada ka jirka oo aan baarlamaan dooran,
Sidoo kale Xildhibaan hore Samaan ayaa isagana sheegay in Shariif Xasan in ka badan 800 jeer ka duulay Baydhaba mudadii uu xilka hayay, uuna ahayn mid maslaxad Somaliyeed haya, muhiimna tahay inuu ka dego xilka soona dhoweeyay go’aanka xildhibaanda KG ee ah in lala xisaabtamo.
Ugu danbayn Xildhibaan Abdifataax Geeseey oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa aad uga hadlay taariikhda lagu dhisay maamulka koofur galbeed iyo sida aan looga faa’iidaysan muddadii xilka uu haya Shariif Xasan, mudane Geeseey wuxuu sheegay in Shariif Xasan Koofur Galbeed soo dhaafin waayay airporka Baydhaba, shacabkana u ooman yihiin dowlad caadila, isagoo sheegay inuu ku hadlayo magaca shacabka soo doortay iyo xildhibaanada kale ee federaalka inay soo dhoweynayaan go’aanka xildhibaanada KG lana shaqeynayaan ilaa ay ka gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, kaasoo ah inay la xisaabtamaan madaxda fashilka ah.
Ugu dambeyn waxaa kulanka laga soo saaray war murtiyeed ka kooban qodobo dhowr ah:-