Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta gaaray Magaalada Xudur ee gobolka Bakool , waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Madax ka tirsan maamulka Degmada Xudur iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada.
Wafdiga Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Wasiiro iyo sidoo kale xildhibaano kasoo jeeda degmooyinka gobolka Bakool.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sababta uu u tagay Magaalada Xudur , waxaa lagu sheegay in ay tahay ka warqabida dadka kunool gobolka Bakool.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale saraakiisha ciidanka gobolka Bakool kala hadli doono sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaanada ay ka jooggaan gobolka Bakool.