Iyadoo wali uu socdo gurmadka iyo baadigoobka lagu haayo dad la tuhunsan yahay inay ku jiraan dhismayaasha bur buray hoostiisa ayaa qof nool laga soo badbaadiyay bur burka dhismayaasha ku yaallay nawaaxiga Isgoyska Zoobe.
Wararka ayaa sheegaya in qofkan oo xaaladiisa wanaagsaneyd, balse dhaawacyo qabay ayaa tan iyo saakay ka soo qeylinayay bur burka hoostiisa, waxaana socday dadaal xeeladeysan oo lagu soo bad baadinayay.
Baraha bulshada ayaa la soo geliyay sawirka wiil dhalinyaro ah oo dhaawacyo ka muuqday, waxaana arrintan ay aheyd mid layaab ah, isla markaana
Qofkan ayaa markii banaanka loo soo saaray durba lala gaaray Oksijiin, maadaama uu muddo 24 saac uu dhulka hoostiisa ku jiray.
Kooxaha gurmadka ayaa wali wada inay baadigoobaan dad la aaminsan yahay inay ku jiraan dhismayaasha bur buray nolol iyo geeri midkii lagu helaba.
Khasaaraha ka dhashay qaraxii shalay ayaa laga cabsi qabaa inay gaarto illaa saddex boqol oo qof, sida ay sheegayan xogo laga helayo kooxaha caafimaadka iyo guddiga gurmadka ee ku howlan samata bixinta.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa galabta aasay meydadka 165 ruux oo jirkooda la kala garan waayay, isla markaana ay aad u gubteen.