{WARSANRADIO} Qof ayaa isku qarxiyay masaajid ku yaalla magaalada Kabul ee dalka Afghanistan, halkaasoo uu ku dilay illaa 30 ruux.
Masaajidka Iman Zaman Mosque oo ay ku cibaadeystaan dadka shiicada, kuna yaal galbeedka Afghanistan ayaa la qarxiyay.
Ninka hubeysan ayaa ku bilaabay rasaas dadkii masaajidka ku dukanayay salaadii jimcaha, kadibna waa uu is qarxiyay.
Ma jirto illaa iyo hada koox sheegatay weerarkan, hase ahaatee kooxda ISIS ayaa dhowr jeer oo hore sheegatay weeraro ka dhacay masaajidada ay ku cibaadeystaan Shiicada ee ku yaala Afghanistan.
Weerarkan dhacay maanta oo jimco ah ayaa ku soo aaday, iyadoo booliska Kabul ay xireen nin doonaya inuu fuliyo qarax loo adeegsan lahaa gaari weyn.
Bishii August 20 ruux ayaa lagu dilay qarax ka dhacay goob lagu cibaadeysanayay oo ku yaal magaalada Kabul.