Hal qof ayaa ku geeriyoodey mid kalana dhaawac ayaa soo gaarey oo dhinaca ciidanka dowlada ah dagaal ka dhacay deegaan lagu magacaabo koor koor oo 40 km u jirta degmada xudur ee xarunta gobolka bakool
Dagaalka ayaa u dhaxeeyey ciidamo taabacsan wadaadka mukhtar roobow iyo ciidanka dowlada oo xudur ka baxay iyo al shabaab oo deegaankaasi fariisin ku lahaa
Saraakiisha ciidanka ka baxay xudur hogaamineyey ayaa waxaa ay sheegen in ciidankooda ay u suura gashey in saacado ay deegaanka kala wareegaan al shabaab qasaarana ay gaar siiyeen Iyagoo markii dambe ciidanka dowlada iskooda isaga soo baxay sida ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka idaacada warsan ee magaalada baydhabo
Sedex iyo tobankii bishii August ee sanadkan ayey aheyd markii ciidanka dowlada si toos ah ay gacanta ugu dhigeen deegaanka abal oo mudo todobaad ah ku dagaala mayeen ciidamo daacad u ah mukhtaar roobow oo mudo deegaankasi gacanta ku haayey iyo ciidamo ka tirsan al shabaab oo wadaadka weerar ku qaadey .
Illa waqtigaasi waxaa ciidanka dowlada oo kaa shaneya ciidankii mukhtaar roobow ay howl galo ka bilaabeen deegaanada hoos taga degmada xudur ee xarunta gobolka bakool