{warsanradio} Shan qof ayaa geeriyoodey afar iyo toban kalena waay ku dhaawac meen ka dib gaari Xajiyad ah oo ku Rogmatey duleedka magaalada baydhabo gaar ahaana dalcada aboo casharow oo dhanka bari ka xigta magaalada baydhabo
Gaariga ayaa ka baxay magaalada baydhabo isagoo ku sii jeedey toolooyinka hoos yimaada magaalada
Dadka dhaawacmey ayaa isugu jira rag iyo dumar oo waliba u badan dad Da’ah dadka dhaawaca qaba ayaa loo gurmadey isla markaana lasoo gaarsiiyey cisbitalka baydhabo waxaana dhaqaatirta ay sheegen in dadka dhaawaca qaba qaar kood xaaladoda ay adagtahay maadama kuwo ka mid ah ay dhaawacodu u badan yahay jajab kuwana madaxa wax kazoo gaaarey
Agaasimaha cisbitalka baydhabo Cabdi Fatax ibraahim xaashi ayaa ka warbixyey dhaawacyada la soo gaarsiiyey iyo waxa ay u qabteen dhaqaatirta