Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa lagu qabtay kulan wada tashi oo u dhexeeye Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir 28-kii Oktoobar ilaa 5tii, Nofembar, 2017, kulankaas oo uu shir gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa daba socday Casumaadii Maxadweynuhu u diray Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah.
Kulanka waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo; Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaal, Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Jubbaland, Madaxweynaha Koonfuur Galbeed, Madaxweynaha Galmudug, Madaxweynaha Hirshabeelle, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Qodobadii kazoo baxay kulanka waxa warbaahinta u akhriyay wasiirka arimaha guduha iyo faderaalka ee xukuumada soomalaiya.
Halkan Hoose Ka Daawo Qodobada: