{WARSANRADIO} Mudo 4 maalin oo roobab kala go’ laheyn oo baydhabo iyo daafaheeda ka da’aayey
ayaa waxaa roobkaasi ay keenen daadad saameyn ku yeeshey wadooyinka qaar ee magaalada baydhabo
Jidka u dhaxeeya cisbitalka baydhabo iyo buundada abshirkaahi ayaa waxaa ku soo fatahay daadad
roobka sababey isla markaana jarey wadada inteeda badan
Biyaha ayaa laga soo xirey meelihii ay mari jireen oo inta badan dadka ay guryo ka sameysten taasi
ayaana keentey iney wadada ku soo fatahaan oo waxyelo u gestaan
Dadka iyo gaadiidka is ticmaala wadada ayaa cabasho ka muujiyey mur murka wadada .
Dhageyso:-Roobabkii maalmahan da’aayey oo saameyn ku yeeshey wadooyinka baydhabo
previous post