Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Baay Cali Wardheere Abdiraxmaan Dooyow Ayaa Waxaa Uu Kahadley Horumarada Ay Kasocdaal Gobolka Baay Qaar Ahaan Degmada Baydhabo Oo Xarun Kumeel Gaar U Ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Gudoomiye Cali Wardheere Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Degmada Baydhabo Sanado kahor Ay San Kajirin Hormarada Hada Ay joogto Asigoo Sheegey Wax Badan Laga Qabtey Dhismooyinka Xaruumaha loogu adeego Bulshada Ku Nool Magalada Baydhabo Sida Saldhigyada Booliska’Maxkamad’Iskoolooyin’Isbitaalooyin’Wadooyinkii Halbowlaha U Ahaa Magalada baydhabo Iyo Melooyin Kale Oo Fara Badan.
Dhanka Kale Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Baay Cali Wardheere Abdiraxmaan Ayaa Wuxuu Sheegey In Qof waliba Oo Maanta Ku Nool Baydhabo In Uu Gurigiisa Iyo Xaruntiisa Shaqada Uu Ku joogo Si Nabad Ah Taasi Oo Uu Ku Sheegey In Magalada Baydhabo Nabad Galiyo.
Ugu Dambeentii Gudoomiyaha Gobolka Baay Cali Wardheere Abdiraxmaan Ayaa Sheegey In Loo Baahan Yahay In Laga Shaqeeyo Nabada Iyo Dib Udhiska Si Loo Gaaro Ayuu Yiri Horumaro Lagu Faani Karo.
BY:siidcali Muuse Maxamed (Ateera)