Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo iyagoo ka qeybgalaya munaasabada sanad guurada 3aad ee dhismaha Maamul goboleedka Koofurgalbeed.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa waxaa safarka ku wehelinaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle.
Wafdiga ka socday dowlad goboleedka Hirshabeelle ee gaaray Baydhabo ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed waxaana loo galbiyay Madaxtooyada Baydhabo halkaas oo ay ku sii nagaan doonaan Ilaa laga gaarayo Xafladda Sanad guurada 3aad Maamulka Koonfur Galbeed.
Sidoo kale waxaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ay maalinta berri ah gaaraan madax ka tirsan Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo madaxda Kale ee Maamul Goboleedyada kuwaas oo dhamaantood ka qeyb galaya munaasabada lagu xusayo sanad guurada 3aad ee Dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed.