Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif xasan Sheekh Adan ayaa Maanta waxa uu Xariga Ka Jarey Dhismooyin Cusub Oo Lagu Kordhiyey Madaxatooyada Maamulka Koonfur Galbeed Somalia.
Munaasabadda Xariga Waxa ka soo qeybgaley mas’uulyiin Ka socoda Dowladda Federlka Soomaaliya, Gudoomiyah Baarlamanka Koonfur Galbeed, wasiiro,odayaal dhaqmeedyo iyo Urarada Bulshada rayidka Ee Baydhabo.
Ugu Horeyn waxa halkaasi ka hadley Mas’uulyiin Ka tirsan Masamulka Koonfur Galbeed iyo wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra”iisul wasaaraha Dowlada Federaalka Somalia C/laahi Xaamud , Wuxuu amaaney waxqabadda KG Somalia.
Madaxweyne Shariif Xasan sheekh Adan ayaa sheegey in wixii bari ka bilowdo la isticmaalayo dhismahan cusub.
Ugu Dambeyntii Dhismahan Oo Lagu Kordhiyey Madaxtooyadda KG Somalia ayaa Waxay ka koobantahay 25-xafiiis iyo Hoolaal waa weyn oo shirar Lagu qaban karo.