Maryan maadey Maxamed nuur waa hoyo 60sano jir ah waxay ku nooshahay magaalada baydhabo idaacada warsan ee magaalada baydhabo ayaa noogu soo booqatey ayadoo wajigeeda laga dareemayo dhibaato ay haysato waxaan la sameeyey sheeko gaaban in wax yaabaha ay warsan u yimaadey.
Hooyo maryan ayaa ii sheegtey in wiil ay dhashay oo 20 sano jir ah Libya ay ku heystaan magafo waxay ii sheegtey in wiilkeeda dhalinyarada ah ugu danbeysey mudo 6 bilood ah aysan arag isla markaana ugu danbeysey magaalada boosaaso ee bari sidoo kale maryan ayaa xustay in loo qabtey mudo 3 bari ah 1 bari ay u baxdey 2 ay u harsantahay waxaana lagu xujaayey in ay bixiso Lacag gaaraya 8200 oo Dolar.
Waa tan ayada oo iiga sheekeynayso qaabka wiilkeeda magafada ugu gacan galay iyo sida ay ku ogaatey in wiilkeeda liibiya lagu haysto.
“Hooyo Wiilkey ayaa Magafo iga haysta lix bilood ka hor ayaa igu danbeysey 8200 Dolar keen ayaa la idhahay hadii kale wiilkaaga Ma arkeysid labo maalin ayey ii qabteen shalay wey ila soo hadleen korontey ku qabteen asoo qaylinaayo” iyo Hadalo kale ayey tiri Maamo maryan
Maama maryan maadey Maxamad nuur ayaa maamulka KG, dowlada dhaxe ka codsatey iyo shacabka somaaliyeed waxay ka codsatey in sidii wiilkeeda loo bad baadin lahaa.
“Waxan Codsanaa Madaxweynaha KG sheikh Shariif,Xildhibaanayaasha,Jawaarey, Xasan Cali kheyre waxaan ka codsanayaa in si deg deg ah wiilkaasi la ii soo daayo” ayey Markale tiri Maryan Maadey Maxamed Nuur
Dhalinyarada ayaa inta badan gala tahariib aysan ogeyn waalidkooda taasina oo markii ay u gacan galaan magafada fadhigooda yahay liibiya lagu qasbaa in walaidkooda ay wacaan oo ay ku amraan in lacag fara badan lagu daayo hadii kalena xubin muhiim ah oo jirkooda ku jira lagala baxo kuwaasi oo waalidiinta qaarkood aysan aboodin bixinta lagactaasi fara badan sida hooyo maryan oo hada maqasheen codkeeda oo kale.