{WARSANRADIO}Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta mar kale loo dhaariyay xilka Madaxweynaha, kaddib markii uu ku guuleystay doorashada ku celiska ee dhacday 26-kii bishii hore ee October.
Munaasabadda Caleema saarka Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ka dhacday garoonka Ciyaaraha ee Kazarani ee magaalada Nairobi.
Kumanaan qof ayaa ka qeyb galay caleema saarka, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay, iyadoo Mucaaradka ay qaadaceen ka qeyb galka xaflada caleema saarka.
Madaxda dalalka deriska, sida Uganda, Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa ka mid ahaa Madaxdii ka qeyb gashay xaflada caleema saarka.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Israel Netanayahu ayaa ka mid ahaa madaxda lagu casuumay caleema saarka, inkastoo uu sababo amni uga baaqday tii ka dhacday garoonka ciyaaraha Kazarani, hadana waxaa uu ka qeyb galay munaasabad ka dhacday Madaxtooyada oo ay ka qeyb galeen Madaxda iyo marti sharafkalagu casuumay caleema saarka.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa kaddib markii la dhaariyay balan-qaaday inuu ka shaqeyn doono Midnimada dalka, sidoo kale waxaa uu tilmaamay inuu la shaqeyn doono qaar ka mid ah mucaaradka.
Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dadka Afrikanka ah ay Fiisaha dalka ku galka ee Kenya ku qaadan doonaan Garoonmada diyaaradaha.