Kullan maanta ay ku yeesheen Magaalada Baydhabo, Beesha uu ka dhashey Marxuum Ex. Wasiir Hore Ee Hawlaha Guud iyo Dib u dhiska Somalia Cabaas C/llaahi Siraaji ayaa Madaxda Dowlada Federaalka Somalia Looga Dalbadey inay Tiirka Cadaalada Ay Marsiso Askarigii Diley Wasiir Cabaas Siraaji.
Kullankan oo ayaa oo ka qiib galey Malaaq Guud Ee Beesha Hubeer Malaaq Xasan Shurre Maxamuud, Xildhibaano, Wasiiro Ka Tirsan Dowlad Goboleedka KG Somalia iyo Ehlada Marxuum Cabaas Siraaji ayaa fariin kuluul looga direy Madaxweyne Farmajo.
Kullanka ayaa mar kale si wadajir ah Looga cadeeyay inaysan Beeshu wax diyo ah ka qaadan doonin dilkii marxuumka ee keliya cadaalada in la horkeeno ay ubaahanyihiin gacan ku dhiiglaha ku jira Gacanta Dowlada isla markaana waxay ka digeen in Mar kale dib loo dhigo Fulinta.
Kullanku oo ay ka hadleen Ehlada wasiir cabaas, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Dowlad Goboleedka KG Somalia, Waxgarada iyo Samadoono ayaa fariin adag looga direy Dowladda Somalia, waxayna xuseen in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmajo hortaagan yahay fulinta isla markaana uu damacsan yahay qorshe aysan ogeyn beesha.
Malaaq Xasan Shure Maxamed oo kullanka ka hadley ayaa ugu baaqan Madaxweyne Farmaajo inuu qalanka u duugo warqada ku raagtey xafiiskiisa ee uu diidanyahay inuu saxiixo taasoo ay usoo gudbiyeen labada maxkamadood Ee Darajada 1aad iyo Darajada sare.
Sidoo kale Malaaq Xasan Shurre ayaa Hoosta Ka Xariiqay in hadii uu madaxweynaha uu fulin waayo shaqadiisa isla markaana beesha ay qaadi doonto tilaabo adag oo aargoosi ah oo dharaar cad dhacayso oo loogu aaarayo mid u dhigma wasiirka.
Dhawaan ayaa ahayd ka dib markii xildhibaano lagu soo doortey Koonfur Galbeed Somalia iyo Jubbaland iyo wasiiro kullan la qaatey Madaxweyne Famaajo ay ka dalbadeen inuu Saxiio Dilka Askarigii Diley Marxuum Cabaas Siraaji, Laakin Madaxweynaha ayaa ka meermeereystay isagoona sheegey inuu Culeys ay ku haayaan Siyaasiyiin iyo Odayaasha uu ka dhashey Dilaa Ceydiid awgeed uusan diyaar u ahayn inuu qalanka ku duugo Saxiixa.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA