[WARSANRADIO] Gobolka Shabeelaha Hoose oo Koonfur Galbeed Ka tirsan Waxaa Mudooyinkaan Ka taagnaa Xaalado La xiriira Amni daro ku soo noq noqtey Gobolkaasi taasi oo ay u sii dheertahay Degmooyinka Gobolkaasi oo Qaar kood Aan La iskugu socon Karin .
Wasaarada Amniga Kgs Waxaa Ay ka hadashey dhibaatada Gobolkaasi Ka Taagan iyo Duqeymaha Ay geystaan diyaaradaha Mareykanka
Wasiiru Dowlaha Wasaarada Amniga Kgs Cabdi qaadir Baraf oo Wareysi Dheer uu siiyey idaacada Warsan ee Magaalada Baydhabo Waxaa uu sheegey in ay si dhow iyo si dheerba ay ula socdaan Xaaladaha Gobolka wuxuuna dhibaatada oo dhan Dusha Ka saarey Al shabaab oo Gobolkaasi Fariisimo Balaaran Ku leh
Wasiirka Ayaa ugu Baaqdey Ciidmada Qalabka sida ee howlgalada Ka wada Gobolkaasi in ay u diir naxaan SHacabka Ku dhaqanka Deegaanada Ay shabaabka Kala Wareegaan