Tartanka ciyaaraha dowlad goboleedyada oo maanta galay maalintii labaad ayaa waxaa ciyaar ku dhex martay labada maamul goboleed ee KoofurGalbeed iyo Hirshabelle.
Daawashada ciyaartan oo ay goobjoog ka ahaayeen labada Madaxweyne ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha KoofurGalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo weliba Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga dowlada federalka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa waxaa ay guushu ku raacday 1-0 xulka Koofurgalbeed.
Ciyaarta ayaa qeybtii hore ku soo dhamaatay goolal la’aan hase yeeshee qeybtii dambe ee ciyaarta ayaa ciyaartoyda xulka KoofurGalbeed waxa ay dhaliyeen goolka guusha.
Tartanka ciyaaraha dowlad goboleedyada oo shalay waxa uu si rasmi ah uga furmay garoonka kubbada cagta ee Koonis Stadium ee magaalada Muqdisho waxaana wada ciyaaraya xulka Banaadir iyo Jubbaland,ciyaarta ayaa 2-1 waxaa ku badiyay xulka Banaadir.