{WARSANRADIO}Taliyaha ciidamada Maraykan ka gaar ahaan taliska Afrika ayaa amray in baaritaan hor leh lagu sameeyo in dad rayid ah ay ka mid ahaayeen dadkii lagu diley weerarkii ka dhacay deegaanka Bariire bishii August ee sanadkan.
Afhayeen u hadlay ciidamada taliska Afrika Col Mark Cheadle ayaa sheegay in Gen. Thomas Waldhauser uu weydiistey in baaritaano dheeri ah lagu sameeyo weerarkii Bariire ay ciidamada Soomaaliyeed oo taagerro ka helay ciidamo Maraykan ah ku qaadeen.
Go’aankan ayaa imanaya labo toddobaad kadib markii ciidamada Taliska Afrika ay soo saareen warbixin lagu beeninayo in dad rayid ah lagu diley weerarkii lagu qaaday Bariire.
Afhayeenka ciidamada Cheadle ayaa sheegay in taliye Waldhauser uu codsaday in baaritaano dheeri ah lagu sameeyo warbixintii la soo daabacay dhowaan maadaama weli dad aan dambi lahayn oo rayid ah ay ku adkeysanayaan in dadka weerarka lagu diley ay ku jireen dad rayid ah oo caruur ay ka mid yihiin.
Maamulka Trump ayaa horaantii sanadkan oggolaaday in howlgalo dheeraad ah ay ciidamada Maraykanka ka sameeyaan dalka Soomaaliya si ururka Alshabaab iyo kooxda taageerta Daacish loo baabi’iyo.