Madaxweyne Farmaajo oo maanta Saraakiisha Ciidamada Xooga alka Soomaaliyeed kula hadlayay xarunta Wasaaradda Gaashaadhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa kula dardaarmay In la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Madaxweynaha oo Khudbadiisa ayaa taabaneysay dhinacyo badan oo ku saabsan xaaada Soomaaliya,waxaaa si gaar ah diirada u saaray xaalada amni ee dalka.
Waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda aysan sameyn ku yeelan doonin Hakintii dhaqaalihii Ciidamada ay siin jirtay dowladda Mareykanka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ruux walbe oo ka tirsan ciidamada uu heli doono xuquuqdii uu lahaa, islamarkaana ay muhiim tahay isku tashi.
Inta badan Saraakiisha Ciidamada ayaa ku sugnaa xarunta Wasaaradda.
Waxaa uu sheegay in dhaqaalihii dowladda Mareykanka ay siin jirtay Ciidamada loo hakiyay qaladaad jira owgeed, waxaana uu ka codsaday Saraakiisha in ay saxaan qaladka jira.