{WARSANRADIO}Saldhiga Booliska degmada Baardheere oo ka mid ahaa Goobaha danta guud ee ay ku bur bureen Dagaaladii sokeeye ayaa 27 sanno ka dib waxaa dhowaan lagu bilaabay howl balaaran oo dayactir oogu sameynayo qeybaha uu ka bur burey Saldhiga Booliska degmada oo iminka ay ku shaqeeyaan Tiro Ciidamo oo ka tirsan Jubbaland.
Aden Ibraahin Axmed(Aden yare) oo ah Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Baardheere oo la hadlayey Warbaahinta ayaa sheegay dayactirka lagu sameynayo qeybaha uu ka kooban yahay Saldhiga in ay iska kaashadeen Maamulka degmada iyo Saraakiisha Booliska,waxaana uu sheegay in maalmo ka hor saldhiga la soo gaarsiiyey Qaar ka mid ah Qalabka muhiimka u ah Xaga shaqada,sida raadiyayaasha,Computaro,Mootooyin,Direyska Ciidanka iyo Soolarka cad ceeda ku shaqeeya.
Adeegyadaasi oo laf dhabar u ah shaqooyinka Booliska uu qabto ayuu sheegay in wax weyn ay ka tari doonaan baahida booliska iyo howlaha lagu sugayo amaanka deegaanka.