Faafin degdeg ah WAR-SAXAAFADEED Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo soo dhoweeyay
ansixinta miisaaniyadda dowladda ee 2018ka, ansixintaas oo ah tallaab
wanaagsan oo loo qaaday dhanka xoojinta maaliyadda
Muqdisho, 24 Diisembar 2017 — Madaxa Qaramada Midoobay ugu sarreeya
Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay ansixintii dhowaan la ansixiyay
miisaaniyadda federaalka ee dalka, taas oo ah guul weyn oo laga
gaaray horumarinta dhaqaalaha, waana tallaab dalka usoo dhoweynaysa in
uu dhaqaale ka helo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.
“Tani waxay calaamad u tahay masaafada ay Soomaaliya kasoo gudubtay
dhowrkii sano ee lasoo dhaafay – waxay kusoo dhowaanaysaa inay awood u
yeelato inay cageheeda isku taagto maaliyad ahaan, sida xubnaha kale
ee beesha caalamka. Marki ay hirgalaan tallaabooyinka dakhli ururinta
iyo dib-u-habaynta muhiimka ah, Soomaaliya waxay awood u yeelanaysaa
inay hesho deeq iyo maalgelin shuruudeheedu dabacsanyihiin oo ay ka
hesho hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, bedelkii ay si weyn ugu
tiirsanaan lahayd deeq-bixiyeyaasha si ay u daboosho baahideeda
maaliyadeed,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u
qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating.
“Tani waxay dadka Soomaaliyeed ee caadiga ah uga dhigantahay rajo dhab
ah oo lagu helayo dugsiyo waxbarasho oo badan, isbitaallo iyo
kaabayaasha aadka loogu baahanyahay maadaama dowladdu ay awood u
yeelan doonto inay soo amaahato lacag dulsaarkeedu si cadaalad ah
loogu jaan-goyay suuqyada caalamiga ah,” ayuu raaciyay. “Tani waxaa
kale oo ay calaamad u tahay xasilooni soo tarmeysa, waana in
dowladihii hore iyo tan hadda jirta lagu amaano dadaalladooda ay
hawsha halkaan kusoo gaarsiiyeen.”
Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa sheegay in deyn-bixiyeyaasha
caalamiga ah ay Soomaaliya ku leeyihiin $5.2 bilyan. Baarlamaanka
Soomaaliya ayaa todobaadkii lasoo dhaafay ansixiyay miisaaniyadda
2018ka, iyadoo xirmadan ka kooban $274 malyan ay tahay tallaab muhiim
ah oo wax looga qabanayo shuruudaha dib-u-habaynta maaliyadeed ee
‘Barnaamijka Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada’ (SMP) ee Sanduuqa Lacagta
Adduunka ugu talo galay dalalka bariga Afrika.
Barnaamijka Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada waxaa loogu talo galay
horumarinta dadaallada dib u dhiska dhaqaale iyo in loo suurto geliyo
dalalka inay sameystaan diiwaan dabagal oo loogu talo galay hirgelinta
siyaasadda iyo dib-u-habaynta. Soomaaliya waxay durba dhamaystirtay
Barnaamijkii ugu horreeyay ee Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada sanadkii
2016-2017.
“Waxaa na dhiirigelinaya ballan-qaadyada madaxda iyo xawaaraha
dib-u-habaynta ee lagusoo celinayo hay’adihii dhaqaalaha iyo
maaliyadda ee muhiimka ahaa, waxaana soo dhoweynaynaa dadaalladooda ku
aaddan in barnaamijku kusii socdo si sax ah,” ayuu Sanduuqa Lacagta
Adduunka ku yiri war-saxaafadeed kadib kulankii ay todobaadkii lasoo
dhaafay la qaateen madaxda Soomaaliyeed. “Hawl-qabashada madaxda ee ku
aaddan Barnaamijka Kor-joogteynta Hawl-Wadeennada ee bishii September
2017 ayaa si weyn loogu qancay.”
Sanadka soo socda ayaa Sanduuqa Lacagta Adduunka wuxuu go’aanka ugu
dambeeya ka gaari doonaa u hogaansanaanta Soomaaliya ay u hogaansantay
shuruudaha Barnaamijka Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada ee sanadka 2017,
waxaana wada-xaajood laga geli doonaa Barnaamij Kor-joogtayn
Hawl-wadeenno oo daba-socda midka lasoo gabagabeeyay.
Ergeyga Gaarka ah Keating ayaa ugu baaqay madaxda dalka inay
xaqiijiyaan in qiimaynta sanadka soo socda lagu samayn doono horumarka
Soomaaliya in uu noqdo mid wanaagsan, iyadoo wixii kala duwanaan
siyaasadeed ah lagu xallinayo wadahadal iyo niyad wanaag.
“Xasillooni siyaasadeed waxaa ay wax ka taraysaa uun sidii lagu
xaqiijin lahaa arrimahaas,” ayuu yiri. “Waxay gacan ka geysanaysaa
sidii loosoo jiidan lahaa maalgelinta hay’adaha dowladda iyo
ganacsiyada gaarka loo leeyahay, waxayna xoojinaysaa horumarka dalka
ee kobcinta maaliyadeed.”
Soomaaliya ma awoodin inay xalliso deymaha dibadda loogaga leeyahay
tan iyo markii dagaallada sokeeye ay dillaaceen sanadkii 1991.
Iyadoo ay halakeeyeen abaaro iyo colaado hubaysan, iyo weliba horumar
la’aan, ayaa hadda Soomaaliya waxay ku tiirsantahay deeq-bixiyeyaasha
caalamiga ah si ay wax uga qabato inta badan baahideeda maaliyadeed.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Maxamed Cabdullaahi Maxamed
‘Farmaajo’ ayaa dhowr jeer ugu baaqay deyn-bixiyeyaasha caalamiga ah
ee dalka ku leh deymaha inay deymahaas ka cafiyaan Soomaaliya iyadoo
loo marayo waxa loogu yeero Barnaamijka Dalalka Saboolka ah ee Deymaha
Culus lagu Leeyahay (HIPC), oo ay asaaseen Sanduuqa Lacagta Adduunka
iyo Bankiga Adduunka sanadkii 1996 si ay u xaqiijiyaan in dal sabool
ah aanu la kulmin culays deyn oo ka badan awooddiisa adeeg-bixin iyo
maareynta [arrimihiisa].