Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.
Ujeedada booqashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Jawaari ayaa lagu sheegay inay tahay sidii uu uga qeybgali lahaa shirka ay isugu imanayaan madaxda baarlamaanada dowlad goboleedyada iyo baarlamaanka Federalka iyadoo kulankana loogaga hadli doono wadashaqeynta baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada Dalka