{WARSANRADIO}Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/laahi Salaad Oomaar ayaa faahfaahin ka bixiyay qorshayaal ay wasaaraddu wado,kuwaasi oo dib loogu soo celinayo adeegyo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.
Wasiir Oomaar ayaa sheegay in ay haatan wadaan qorshayaal iyo dadaalo ku aadan sidii dib loogu soo celin lahaa adeegii Shirkadii Soomaali Airline oo ah mid muhiimad gaar ah u leh dalka.
Wuxuu xusay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya in qorshahaasi oo horey u socday islamarkaana uu meel fiican marayo,isagoo xusay in daraasaad ay sameeyeen ku ogaadeen qaabka ay u shaqeeyaan diyaaradaha watay calamada dowladaha,dhawaana ay si rasimi ah u soo celin doonaan adeegyadii ay bixin jirtay shirkadii Soomaali Airline.
“Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waa garoon caalami ah hadda waxaa ku soo dega duulimaadyo caalami ah sida Turkish Airline iyo Jabuuti,Kenya Airways ayaa la filayaya in ay dhawaan duulimaadkeeda Muqdisho bilowdo,wuuna socda qorshahaasi”, ayuu yiri wasiir Oomaar.
Dhanka kale waxaa uu soo hadal qaaday baahiyaha loo qabo in la ballaariyo garoomada Diyaaradaha ee ku yaala dhamaan dalka waxana uu xusay in ay wadaan qorshahaasi ku aadan dib u dhis lagu sameeyo si duulimaadyo caalami ah ay u yimaadaan.
Somali Airlines ayaa markii ugu horeysay la aasaasay 5tii March 1964 hase yeeshee waxa ay howlgashay bishii July 1964 iyadoo dowladii rayidka ee xilligaa jirtay ay heshiis shan sano ah la gashay shirkada diyaaradaha ee Alitalia.
Dowlada Maraykanka ayaa ugu deeqday dowlada Soomaaliya afar diyaaradood oo noocoodu ahaa Douglas DC-3s hase yeeshee marxaladokala duwan oo ay soo martay Somali Airlines ayaa ugu dambeyntii waxaa istaagay duulimaadyadii diyaaradaha Somali Airlines sanadkii 1991kii.