Saaxiibbada adduunka daafihiisa jooga,
Sanad Cusub oo wanaagsan.
Markaan xafiiska la wareegay sanad ka hor, waxaan ku baaqay in sanadkan 2017-ku uu noqdo sanadka nabadda.
Nasiib darro – si aan loo baahneyn, ayuu caalamku gadaal ugu u noqday.
Maalinta Sanadka Cusub ee 2018-ka, ma soo saarayo baaq. Waxa aan soo saarayaa digniin—digniin halis ah oo ku saabsan caalanmkeenna.
Colaaduhu wey ka sii dareen, khatara bandanna way soo kordheen.
Walaaca caalamku ka qabo hubka neyuukleerku waxaa uu maryaa heerkii ugu sarreeyay tan iyo dagaalkii qaboobaa.
Isbeddelka Cimiladu waxa ay ku socotaa xowli ka badan sidii hore.
Muxaafidnimada iyo cunsuriyaddu way sareeyaan.
Sinnaan la’aantu wey sii kobceysaa.
Waxaan arkeynaa xad-gudubyo xun xun oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
Bilawga 2018-ka Waxaan ku baaqayaa midnimo.
Waxaan si dhab ah u rumeysanahay inaan caalamkeenna ka dhigi karno mid bad qaba oo ammaan ah.
Waan dami karnaa colaadaha, waan ka gudbi karnaa nacaybka waana difaaci karnaa qiyimka aan wadaagno.
Laakiin taas waxaan ku sameyn karnaa wadajir oo kaliya.
Waxaan ka rajeyna hoggaamiyaasha meel kasta oo ay joogaan in ay sanadkan cusub ka dhigaan kii la gaarayay go’aammada xalka.
In la yareeyo farqiyada. Laga gudbo kala qaybsanaanta. Dib loo soo celiyo kalsoonida iyadoo dadka lagu mideynayo ujeeddoyin la wadaago.
Midnimadu waa tubta.
Mustaqbalkeennuna iyada ayuu ku xiranyahay.
Waxaan idiin rajeynayaa nabad iyo caafimaad 2018-ka. Mahadsanidiin. Shokran. Xie Xie. Merci. Spasiba. Gracias. Obrigado.