Xildhibaan Cali Isaaq Cumar oo ka tirsan B.K.G.S ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay Magaalada Baydhabo
ayaa sheegay in uu yahay xadgudub barnaamishka beryahan danbe ka soo ifbaxay K.G.S gaar ahaan
Magaalada baydhabo ka soo ah bedelka ay ku samaynayaan Malaaqyada mudanayaasha laga soo doorto K.G.S eek u jira labada aqal ee Dowladda dhexe Soomaaliya.
Taasna waxaa uu ku tilmaamay Xildhibaanka in ay tahay Duulaan Mudanayaasha labada aqal ee
Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ku soo qaadeen Nidaamka Dastuuriga ah ee Maamul Goboleedka
Koofur Galbeed Soomaaliya iyo jiritaanka Golaha Xeer dajinta K.G. isagoona ku tilmaamay mid aan u cuntami Karin Xildhibaanada K.G ugu jira Golaha Baarlamaanka.
“kuligeen dadbaan matalnaa oo ugu jirnaa Goloyaal dastuuri ah, waxba kuma kala duwanin anagoo dhan
waxaan sidnaa Xil oo aan u haynaa Bulsho na soo dooratay oo nagu soo dooratay codad isku mid ah,
haddanna waxaan kala leenahay awoodo iyo howlo ay Bulshada na soo dooratay noo igmatay oo qof
walba oo codkooda kursi uga fadhiya ay ka sugayaan, sidaas darted waxaa uu yiri waxay wadaan
Senitorada iyo Xildhibaanada laba gole D.F.S awood maroorsi ay ku samanayaan hoowshii ay lahaayeen
Xildhibaanada K.G.S iyagoo adeegsanaya awood dhaqaale ay kaga dhex abuurayaan Beelaha dhexdooda
oo ay uga dhex abuurayaan colaad sokeeye halkii ay ka sugayeen wax qabad iyo Mashaariic lagu
horamarinayo Deegaan doorashooyinkii ay ku noolayd Bulshada ay matalayaan”. Sidaasna waxaa yiri
Xildhibaan Cali Isaaq Cumar.
Waxaa hadalkan Xildhibaanka ku soo aadayaa xili arinta uu ka hadlayo ay si xoogan uga socoto
Magaalada Baydhabo oo todobaadkaan gudihiisa laba beelood oo ay kamid tahay Beesha uu ka soo
jeedo Xildhibaanka Mudanayaasha labada aqal ugu jira D.F.S ay Baydhabo ku qabteen Xaflado lagu
badalay laguna caleemo saarayo Malaaqyo Cusub iyadoo Mudanayaasha Qaranka aysan wax wada tashi
ah kala samaynin Odatyaasha ,Nabadoonada iyo Xildhibaanda Maamul Gobaleedka ugu jira B.G,S taaso
meesha ka saartay doorka siyaasadda Xildhibaanada K.G ku lahaayeen Masraxa Siyaasadda Beelahooda.