Wasaarada Caafimaadka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Ay Kaashaneyso Maamulada Gobolka Bakool Iyo Kan Degmada Hudur Ee Xarunta Gobolka Waxey Dib U Howlgalid Ku Sameyeen Isbitaalkii Weynaa Ee Ku Yaaley Degmadaasi Hudur.
Isbitaalkaani Ayaa Waxaa Horey Gacan Kageystey Dhisidiisa Maamulka Iyo Shacabka Degmada Hudur Ku Nool Iyadoona In Mudo Ah Hakad Ugu Jirey Dhaqaatir Yari Iyo Daawo.
Munaasabada Lagu Fulaayey Isbitaalkani Ayaa Waxaa Goobjoog Ka’ahaa Isaaq Cali Subag Wasiirka Caafimaadka Koonfur Galbeed’Gudoomiyaasha Gobolka Iyo Kan Degmada Hudur Iyo Bulshada Kala Duwan Ee Ku Nool Degmada Hudur.
Maxamed Macalin Axmed Gudoomiyaha Degmada Hudur Waxaa Uu Sharxaad Ka Bixinayaa Baahiyaha Loo Qabey In Isbitaalkani Laga Xirgaliyo Degmada Hudur Iyo Waxyaabaha Uu Ka Bedeli Doona Dhanka Caafimaadka.
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Isaaq Cali Subag Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Ka Wasaarad Ahaan Wax Weyn Ay Kaqaban Donaan Dhanka Daawada Qalabka’Ambalaasoyin Iyo Dhaqatiir Kufilan.
Dhanka Kale Wasaarada Caafimaadka Koonfur Galbeed Ayaa Waxey Sheegtey In Ay Wax Ka Qaban Doonto Dhamaan Xaruumooyinka Caafimaad Ee Ku Yalaan Degmooyinka Gobolada Baay’Bakool Iyo Sh/ Hoose Iyadoo Kaashan Doonto Wasaarada Caafimaadka Dowlada FS Iyo Hay’adaha Gar Gaarka Bixiya.