[BAYDHABO] WADNI NEWS24″: Odayaal,Isimo iyo Nabaddoono ka tirsan Beesha Haraaw oo maanta kulan Ku yeeshay Hotelka Guuraaw ee Magaalada Baydhabo ayaa waxay ku taageereen Malaaqa guud ee Beesha Haraaw Xasan Gaale oo ka mid ah odayaasha Dhaqanka Saxiixayaasha ee 135ta ka kooban ee leh awoodda badan kuwaasoo maalmahan danbe Xildhibaanada hoowshooda gabay bilaabeen in ay Ku sameeyaan xad gudub xil kaadis aan loo meel day in cirib xumida ka immaan karta.
Waxaa ay ashtako iyo digniin ay Beesha Haraaw u direen Xildhibaanka Dhaayoow iyagoo uga digay in uusan isku day in qorshaha uu dhowaanahan wado ee uu la meeraysanayo. Taasoo odayadan iyo xubnaha kale ee kulankan kala qeybgalay ay ku sheegeen sheeko xariiro iyo riyo maalmeed aan soconaynin.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA