Wardheere Dhaahir Maxamed waa Afarsano jir ku dhashay Gacmo la’aan, hooyada dhasay Wardheere waa curyaan aan soconin.
Ma istaagi karo oo wali saantiisa dhulka ma qabanin sidaas ay tahay haddana waxaa ugu darsantay jiro oo waxaa ka muuqdo nafaqa daro.
Aabaha dhalay wardheere waa danyar aan waxba haysanin, waxaa uu daris u noqday dhibaato ka haysta caafimaadka wiilkiisa curyanimada iyo xanuunka isugu darsamay ee uu la kala kulmay Wardheere tan iyo markii uu dhashay.
Waxaa jira Caruuro kale oo sedex ah kuwaasoo qaarkood ay ka yaryihiin Wardheere kuwana ay ka waaweyn yihiin oo ka sugaya Aabaha dhalay wiilkan Nolol iyo Nacfi iyadoo hooyada reerkan haddii dhinaceeda ay ka ordi lahayd si ay reerka wax un ugu biiriso, iyadaaba u baahan gacan qabasho waayo waa Naafo fadhiga un ku adeegata oo ciyaalkaba hayn Karin.
Waxaa Aabahan uu Afar maalmood ka hor u soo qaaday wiilkiisa Magaalada Baydhabo si uu ugu helo Baxnaano iyo taageero Bulshada Soomaaliyeed ee jecel samafalka iyo Caawinaadda dadka jilicsan ee sida Wardheere oo kale, kaasoo runtii qof walba oo aabbo ama Hooyo ah ku beeraya naxariis iyo damqasho.
Waxaa uu Aabbahan ka codsaday Bulsha weynta Soomaaliyeed in ay wax kala qabtaan dhibaatada caafimaad Xumo iyo midda nololeed ee haysata Qooyskiisa taasoo Muddo Afarsano ah uu qarsanayay, balse Maanta uu la soo banbaxay markii uu adkaysan waayay.