{WARSANRADIO} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray magaalada Qardho oo ka tirsan Gobolka Karkaar ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay halkaasi.
Farmaajo ayaa dadkii ku soo dhaweeyay magaalada Qardho waxa ay uga hortageen Banaanka Magaalada, iyaga oo ruxaya calanka Soomaaliya iyo Sawirka Madaxweynaha.
Safarka Madaxweynaha oo mid dhanka dhulka ahaa, ayaa waxaa ku wehlinaayay Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) iyo Xubno ka tirsan dowladda dhexe.
Farmaajo oo warbaahinta kula hadlay magaalada Qardho ayaa shacabka soo dhaweeyay uga mahgadceliyay qaabka ay ugu muujiyeen niyad wanaaga, wuxuuna sheegay in dadweynaha ay u soo baxeen sidii 8-dii Febraayo, xilligaasi oo la doortay Madaxweynaha.
Shacabka ayuu ka codsaday in ay sii wadaan taageerada ay u hayaan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland, si loo gaaro horumaro kala duwan oo wadajir ah.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay labada maalmood ee uu ku sugan yahay magaalada Qardho inuu la kulmo doono qeybaha kala duwan ee bulshada, ugana warami doono xaalada dalka.