{WARSANBAIDOA}Nuur Iidow Beyle ayaa ku guuleystay doorashada kursiga Xildhibaano Golaha Shacabka ee Beesha Cali Madaxweyne, kaddib markii wareegii labaad uu helay 27 cod, halka C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe uu helay 24.
Tirinta cododka wareega labaad ayaa la soo gabagabeeyay, iyadoo natiijada horudhaca ah ay muujineyso in Nuur Iidow Beyle ku guuleystay kursiga Xildhibaannimo ee Beesha Cali Madaxweyne/Xawaadle.
Doorashada Kursigan ayaa aheyd mid aad u xiiso badneyd oo dhaqaale badan lagu baxshay, iyadoo Sanbaloolshe oo horay kusigan u baneeyay uu dadaal badan ugu jiray sidii uu mar kale ugu guuleysan lahaa, hase ahaatee haatan looga adkaaday.
Musharaxa ay wadatay Madaxtooyada Mr Nuur Iidow Beyle oo horay kursigan Xildhibaano ugu fadhiyay Baarlamaankii 9aad, hase ahaatee doorashadii sanadkii 2016 aan ka soo qeyb galin ayaa mar kale helay kursigii uu horay beeshiisa ugu matalayay Baarlamaankii la soo xulay sanadkii 2012.
Guddiga doorashada Madaxa banaan ayaa lagu wadaa inuu goor dhow ku dhawaaqo natiijada rasmiga ah, iyadoo hoolka doorashada ka dhacday uu goor dhow gaaray Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweyne kuxigeenka Cali Guudlaawe Xuseen iyo Mas’uuliyiin kale.