Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay ku guuleysatay in ururka Shabaab ay ka saarto Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhigga ayaa ka warbixiyay xaaladaha ammaan ee dalka waxayna Golaha warbixin ka siiyeen xaalada cauur ay Ciidamada ammaanka ka soo furteen Shabaab iyo halka uu marayo howlaha isku dhafka Ciidamada.
Siihayaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiirka ku xigeenka Wasaaradaasi C/raxmaan Iidaan Yoonis oo shirka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu meel wanaagsan marayo isku dhafka Ciidamada, lana qorsheynayo meelihii xarumo looga dhigi lahaa.
Sidoo kale C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ay ku guuleysteen in ay ururka Al-shabaab ay ka saraan Gobolka Shabeellaha Dhexe, dhowaana la qorsheynayo in laga saaro Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Sida la wada ogsoon yahay weli waxaa muuqata awooda Al-shabaab ay ku leeyihiin Gobolka Shabeellaha Dhexe, maadaama bishii ina dhaaftay January ay weeraro ka geysteen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyada oo Dowladduna ay sheegtay in Shabaab ay ka saartay Shabeellaha Dhexe.