Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta oo Talaado ah si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furay shirka Golaha Amniga Qaranka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa shirka guddoominayey qodobbada looga hadlayana waxaa ka mid ah, xasillinta amniga guud ee dalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo mid Dowlad Goboleed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida oo ka mid ah Golaha Amniga Qaranka ayaa shirka ka qeyb galay.
Wasiirka Gaashaanshigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo shirkan faah faahinayay ayaa sheegay in warbixino laga dhageystay Madaxda Maamul Goboleedyada, Talisyada Ciidamada, Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in shirka looga dooday sidii Ciidamada Qalabka Sida ay ula wareegi lahaayeen Masuuliyadda amniga ee dalka, oo hada ay gacanta ku hayaan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, arrintaasna meel wanaagsan ay mareyso.
“Maanta waxaa qabsoomay shirkii Golaha Amniga Qaranka kulankiisii Lixaad oo ay ka soo qeyb galeen Madaxda Maamul Goboleedyada, shirka waxaa looga doodayay guud ahaan amniga guud ee wadanka, waxaa warbixino amniga la xiriira laga dhageystay Madaxweynayaasha Maamulada, Talisyada Ciidamada, Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga, sidoo kale shirka waxaa looga dooday sidii Ciidamada Qalabka Sida ay ula wareegi lahaayeen Masuuliyadda amniga oo hada ay gacanta ku hayaan Ciidamada AMISOM, shirka lama soo gaba gabeyn, ilaa berrito wuu socon doonaa.” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.
Shirka Golaha Amniga Qaranka oo noqonaya midkii 6-aad oo Goluhu yeesho tan iyo markii lagu dhawaaqay, ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan qodobbo muhiim ah, marka berri la soo gaba gabeeyo.