{WARSANRADIO}Urur Goboleedka IGAD ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya dowladda Federaalka, Wakiilo ka socda maamul goboleedyada, Safiirada dalalka IGAD ku mideysan ee ku sugan Muqdisho, Hey’adda IOM, UNHCR iyo AMISOM.
Arrimaha ugu weyn ee shirka looga hadlayo waxaa ka mid ahaa sidii muwaadiniinta dalalka ku mideysan IGAD ay si furan oo Viso la’aan ama dal ku gal la’aan isugu gudbi lahaayeen.
Waxaa la filayaa in lagu heshiiyo in muwaadin walba oo u dhashay dalalka ku mideysan IGAD uusan qaxooti ugu noqon laheyn dal kasta oo uu tago ee ka mid ah IGAD, inuu ka shaqeysan karo, waxna ka baran karo, loona diiwaan gelin karo muwaadnimadiisa.
Dadka Soomaaliyeed ayaa aad ugu dhib qaba helida Fiisaha dalalka deriska oo ay uga baxdo lacago aad u fara badan, waxaana hadii lagu heshiiyo shirkan ay noqon doontaa mid tallaabo loo qaado arrimaha isu socodka dalalka deriska oo Soomaalida ay ahaayeen kuwo dhibka ugu badan ku qaba.