.
{WARSANRADIO}Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqay shaqo joojin iyo in wixii hada ka dambeeya la xirayo Ganacsiga Suuqa weyn ee Bakaaraha, kaddib markii ay cabasho ka keenen canshuur ay dowladda ku soo rogtay.
Kulamo u dhaxeeyay Ganacsatada iyo Ra’iisul Wasaaraha oo uu wehliyay Wasiirkiisa Maaliyadda ayaa ku dhamaaday is faham waay, kaddib markii dowladda ay ku adkeysatay in lagama maarmaan ay tahay in la bixiyo canshuuro dheeraad ah oo lagu soo rogay agabyada laga soo dejiyo Dekeda Muqdisho oo lagu kordhiyay 5%.
Kulan ay maanta isugu yimaadeen Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa waxay ku shaaciyeen inay hakinayaan ganacsiga guud ee magaalada, iyagoo caddeeyay in alaabtooda muddo 12 cisho uu uga xayiran tahay Dekeda Muqdisho, ugana baaba’eyso.
Ganacsatada ayaa sheegay in aysan aheyn canshuur diid, isla markaana ay horay u bixin jireen canshuurta, hase ahaatee canshuurta la soo kordhiyay ay tahay mid zaa’id ah oo khasaare ku ah ganacsigooda, isla markaana cida soo rogtay aysan ka fiirsan.