Kulankaan oo ahaa mid u dhexeeyey Maamulka Degmada Xuddur ee Gobolka Bakool iyo Ururada Bulshada Rayidka qeybahooda kala duwan ayaa waxa looga hadlay sidii mashaariicda Hormarineed loogu wajahi lahaa baahiyaha Bulshada waxana maamulkii iyo bulshadii ka qeybgashay kulanka dood dheer ka dib ay isku raaceen in baahiyaha ugu horeyso ay tahay in biyo Nadiif ah ay helaan Bulshadaan Reer Bakool.
Guddoomiye kuxigeenka Arimaha Bulshada ee Degmada Xuddur Cabdulaahi Warsame Cali oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa bulshada kula dar daarmay in mashaariicda ay uga faa’ideystaan baahiyaha haatan taagan.
Kulanka ka dib Guddoomiyaha Degmada Xuddur Maxamed Macalin iyo Xubno ka tirsan Golihiisa degaanka aya dhagax dhigey datactir lagu sameynayo Ceel biyood ay yeelanayso Magaalada Xuddur, iyadoo Gobolada soomaaliya xiligaan ay soo wajahayso kuleel iyo Biyo la’aan ayaa Gobolka Bakool waxa uu ka mid yahay meelaha ugu daran oo saameynta biyo yarida aad looga dareemo.
Malaag Cali Aadan Wiir Guddoomiyaha Golaha Malaagyada ee Degmada Xuddur iyo Cabdirisaak isaak Saajin oo ah Guddoomiyaha Xafiiska Howlaha Guud iyo Dib u dhiska ee Degmada Xuddur ayaa ka war bixiyey in baahiyaha loo qabay in Ceel Riigii Degmada Xuddur dayacyir lagu sameeyo ayna aad usoo dhoweynayaa dhagax dhigaan.
Guddoomiyaha Degmada Xuddur Maxamed Macalin ayaa sheegey ahmiyada uu leeyahay dhagax dhigaan lagu dayac tirayo Ceelkaani isagoo dhinac kalena la dardaarmay shirkada dayactirkaan fulinayso in ay ka soo baxdo waajibaadkeeda ka maamul ahaanna kormeer joogta ah ay ku sameyndoonaan, Guddoomiyaha degmada Xuddur Maxamed Macalin ayaa gabagabadii baaq u direy DFS Dowlada KGS iyo Hay’adaha Samafalka in ay wax ka qabtaan Xaaladaha Biyo La’aaneed iyo Caafimaad xumada ka jirta Degmada Xuddur iyo Nawaaxigeeda.
Dhagax dhigaan waxa uu ku soo beegmayaa Xilli ay gabaabsi yihiin biyaha Ceelasha ku yaala degaanada Gobolka Bakool iyadoo kumanaan barakacayaal ahna ay ku sugan yihiin kaamamka ku yaala Duleedka magaalada Xuddur kuwaas oo aan haysan Biyo Cuno iyo hoy midna, balse tayactirkaan ceel riiga lagu samaynayo hadii lagu guuleysto waxa lafilan karaa inuu wax ka bedeli doonto xaalada biyo la’aaneed ee haatan jirta.