{WARSANRADIO}Qaar ka mid ah Haweenka ku dhaqan degmada Baardheere ayaa ugu baaqay shacabka degan degmada ,Shirkadaha Ganacsiga iyo hay,adaha Samafalka iney u gurmadaan barakacayaasha ku sugan duleedka Degmada Baardheere,oo bilahii ugu dambeeyey xaaladooda nololeed ay ka sii dareysay.
Diyaaro Aden Waraabe oo Gudoomiye u ah Urur haween ah oo lagu magacaabo Daryeel ee degmada Baardheere ayaa Warbaahinta u sheegtay in xaalada nololeed dadka barakacayasha ah ee degan duleedka Baardheere in ay xaladooda mareyso meel halis ah,iyadoo sheegtay qaar ka mid ah qoysaskaasi in ay haysanin xilligan raashin,hoy,adeeg caafimaad iyo helitaanka biyaha oo ciriiri ku ah.
“Xaalada aan ku soo arkey Xerada Barakacayaasha Xabaal cadeey waa mid aan la fiirsan karin,maalintii shaley ayaa waxaan geeyey Booyad biyo ah muddo labo saac gudahooda ayey ku dhamaatey dadku wuu gaajeysan yahay ,ma haystaan wax raashin ah waxaan shacabka Baardheere ugu baaqeyaa in ay u istaagna sidii aan u kaalmeyn lahayn walaalaheen una heli lahaayeen gurmad raashiin ah ” sidaasi waxaa tiri Diyaaro Aden Waraabe oo ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka Daryeel ee degmada Baardheere.
Dadka barakacayaasha ah ee ku sugan Baardheere, gaar ahaan duleedka degmada ayaa u badan qoysas kasoo barakacay deegaano ka kala tirsan Gobolada Gedo,Bay iyo J/dhexe, kuwaasi oo xoolo dhaqato ahaa, balse ay xoolahoodii ku dhaafeen abaarta dalka ka jirta.