{WARSANRADIO}Ammaanka Madaxtooyada Villa Soomaaliya iyo waddooyinka ku dhow dhow ayaa si aad ah loo adkeeyay, Maalin kaddib markii dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab weerar ku qaadeen agagaarka Madaxtooyada.
Ciidamo fara badan ayaa la dhigay baraha Koontarool ee laga ilaaliyo Madaxtooyada, kuwaasoo wata gaadiidka dagaalka, waxaana ciidamada ka muuqatay feejignaan.
Koontaroolada Sayidka, Tiyaatarka iyo Koontaroolka dhanka Ceel-Gaabta ayaa si aad ah ammaankooda loo adkeeyay, iyadoo gaadiid kasta oo wadadaas maraya la baarayo, isla markaana la weydiinayo aqoonsi.
Baaritaanka gaadiidka iyo adkeynta amniga ayaa waxay dhaliyeen mashquul badan, iyadoo gaadiid badan ay muddo saf ugu jireen baaritaanka, waana xaalad cusub oo ku soo korortay wadada hor marta Madaxtooyada oo aan markii hore gaadiidka lagu baari jirin, balse aqoonsi lagu sii deyn jiray.
Sidoo kale waxaa is bedel lagu sameeyay ammaanka albaabka koowaad ee laga galo Madaxtooyada ee dhanka Hotel SYL, iyadoo gaadiidka kaliya loo ogolaa, halka ilaalada mas’uuliyiinta la socdeen lagu amrayay inay banaanka ku sugnaadaan.
Ilaalada Madaxtooyada ee loo yaqaano Koofiyo Gaduud ee ka tirsan Ururka 60aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa in dhawaalaba ku jiray carbis iyo u diyaar garowga ku aadan sugida ammaanka Madaxtooyada iyo nawaaxigiisa.