{WARSANRADIO}Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa fiidkii gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, halkaasoo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo labo cisho qaadan doonta.
Wafdiga Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa soo dhoweeyay Wasiirka Tamarta iyo Warshadaha Imaaraadka Carabta Suhail Mohamed Bin Faraj Al Mazrouei.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, La Taliyaha Amniga Qaranka Cabdisaciid Muuse Cali iyo Xildhibaano.
Waxaa maalinta berri la filayaa inay kulamo la qaataan Wasiiro ka tirsan Imaaraadka Carabta iyo mas’uuliyiin kale, sidoo kale waxaa Ra’iisul Wasaaruhu la kulmi doonaa dhaxalsugaha Imaaraadka Carabta.
Safarkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee Ra’iisul Wasaare Kheyre ku tago Imaaraadka Carabta, waxaana loo arkaa safar muhiimad gaar u leh dowladda Soomaaliya, maadaama xilliyadii u dambeeyay uu mad madow ku jiray xiriirka labada dal.