MAXAA HOR TAAGAN IN LA DHISO MAAMULADA BAYDHABO IYO BARAAWE ?
Tan iyo markii la daahfurey shirkii maamul u sameynta degmooyinka baydhabo iyo baraawe waxaa dhaqaaqi la’dhismihii maamul u sameynta degmooyinkaas iyadoo ay jiraan caqabado badan oo ku hareereysan wasaarada arimaha guduha iyo dowladaha hoose ee maamulka koonfur galbeed taa soo muujineysa dib u dhac ku yimid balse wasaarada ay ka gaabsaneyso in ay shaaciso.
Bulshada rayidka ayaa is weydiineya su aalo dhow ah oo ku aadan sababta ay wasaarada arimaha gudaha ay u gudi gali la’dahay howshaasi xili waqti uu is gureyo oo marka la fiiriyo xiligii si guud loo daahfurey dhismaha mashruucaan loogu magac darey wadajir farem wok magaalada baydhabo waqtigaasoo wasaarada uu wasiir ka ahaa wasiirkii hore ee wasaarada arimaha gudaha ee kgs c/raxmaan sate oo hada ah wasiirka maaliyada kazoo u horseedey koonfur galeed iney noqoto maamul goboleedkii u horeeyey ee mashruucaan hoos u daadajinta maamulada ee in lagaarsiiyo min digmo illaa toolo .
Illa iyo iminka waxaa la soo dhisey oo la dhihi karaa si buuxda ayaa loo dhameystirey maamulkooda degmooyinka xudur iyo bardaale oo ka kala tirsan bay iyo bakool kuwaasoo laftirkooda iyadoo buuq iyo qeylo ka taagan tahay la dhisey qilaafkii oo jira beelana cabaneyaan la marsiiyey ii doon wali laxalinin tii oo ay u dheertahay degmada ceel berde oo xudur ku xiktey dhisma ahaan shaxda qorshaha wasaarada arimaha gudaha ee hoos u daadajinta dhismaha maamulka degmooyinka degmooyinka oo qabyo looga tagey
Sidaasi darted daraasad ay sameysey idaacada warsan waxey ogaatey in wasaarada arimaha gudaha kgs ay leedahay masuuliyada socodsiinta qorshayaasha siyaasadeed ee ugu degsan dhismaha maamulka degmooyinka taasoo ah mid ay go’aankeeda qaadan karto dhacdeyna in go’aankeeda ay ku dhisto qaar ka tirsan degmooyinka sida bardaale oo la xusuusan yahay buuq siyaasadeed iyo qeyla dhaan iyadoo jirto ay dhistey balse baydhabo buuq kaga furan awgeed uga gaabsatey lana sheegaayo in mudo lixbilood ah dib loo dhigey
Su aasha is weydiinta mudan waxey tahay baydhabo ma degmiiyinka kaley ka duwan tahay aawey awoodii wasaarada arimaha gudaha ay ku dhistey xudur iyo berdaale ceel berde si qabyo uga taktey
Jwbtaasi way ku adagtahay wasaarada arimaha gudaha iney ka jawabto wasiirka oo aan la xirirneyna wuu ka gaabsadey iyadoo taa laga duulaayo waxaa halkan ka cad in ay jirto habacsanaan haysata wasarada arimaha gudaha oo ku aadan hir galinta qorshayaasha u degsan wasaarada taasoo hadii aan la helin hage gudoon fiican leh oo majaraha u qabta wasaaradan ay xaqiiqdii wasaaradan oo u ah halbowle wasaaradaha kgs ay meessha ka bixi doonaan dhismaha iyo dhameystirka maamulka degmooyinka kuwa qabyyada looga tagey iyo kuwa loo took hayo oo gaareya 18 degmo oo labo degmo kaliya lasoo dhisey 16na ay harsan tahay bayddhabo iyo baraawena ay yihiin buundada kuwaaas harsan loo mari lahaaaa allow sahal amuuraha ,