{WARSANRADIO} Ku dhowaad ilaa 287 dumar ah oo ku kala nool Xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Baardheere iyo weliba Xeryaha Barakacayaasha ah ayaa ka faa,ideysanaya fursado waxbarasho lacag la,aan ah oo ay siiyeen Ururka Haweenka Waamo ee fadhigiisu uu yahay degmada Baardheere,haweenka ka faa,ideysanaya waxabarashada oo da,doodu ay u dhaxeyso 18 ilaa 50 sanno jir ayaa dhamaantood ah kuwa aanan horey waxba u baran
Fartuun Cabdulaahi Aden oo ah Gudoomiyaha Ururka Horomarinta Haweenka Soomaaliyeed ee Waamo ayaa sheegtay in muddo shan bil ka hor ay bilaabeen howshan ay wax ku barayaan haweenkan oo maalin weliba tiradodu ay sii kordheyso,waxayna sheegtay in ay ku faraxsan yahiin howsha tabarucaada ay u sameynayaan haweenkan,waxayna sheegtay daruusta ay baraan in ay ka mid yahiin farta soomaaliga,Xisaabta,Taariikhda iyo Carabiga.
Daruusta ee la siinayo haweenkan ayey sheegtay in ay ka mid yahiin farsamada gacanta, sida, Harqaamada,Cunto Karinta,Cilaan saarka,Sameynta Dariimaha,Sameynta dharka loo yaqaano Aliindiga iyo sameynta dhiilaha Caanaha lagu shubto oo ay isticmaalaan Xoolol dhaqatada.
Qaar ka mid ah haweenkii ka faa,ideystay Waxbarashadan lacag la,aanta ayaa waxay dareenkooda ay ku muujiyeen sida ay ugu farax san yahiin waxbarashadan loo sameeyey,talaabadan ayey ku tilmaameen mid gacan ka geysanaysa in haweenka aan hore wax u baran in ay fursadahan ka faa,ideystaan.
Ururka Horomarinta Haweenka Soomaaliyeed ee Waamo ayaa ka Codsadey Hay,adaha Samafalka iyo jaaliyadaha qurba joogta ee ka soo jeeda Gobolka Gedo In ay gacan ka geystaan mashruucan balaaran ee wax lagu barayo haweenka danyarta ah ee ku nool xaafadaha Baardheere iyo Barakacayaasha ,waana markii ugu horeysay ee Dugsi haweenka wax lagu baro laga hergeliyo degmada Baardheere.