{WARSANRADIO}Guddiga Dib u eegista iyo La socodka Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa qoraal ay u gudbiyeen madaxda sare ee dalka waxa ay ku sheegeen in ay oo kalsoonida kala noqdeen Wasiirka Dastuurka Cabdi Xoosh Jibriil.
Qoraalkan oo si toos ah loogu socodsiiyay guddoomiyaasha baarlamaanka iyo Aqalka Sare isla markaana lagu ogeysiiyay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Dowlada Federalka ayaa lagu sheegay in Wasiirka Dastuurka Cabdi Xoosh Jibriil uu hortaagan yahay geedi-socodka dastuurka.
Qoraalkan oo uu ku saxiixan yahay guddoomiyaha guddigan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa lagu sheegay in Cabdi Xoosh uu yahay qof kaligii inuu wax maamulo jecel uuna ku habooneyn xilkan uu hayo.