{WARSANRADIO}HALKAASNA XALWAARA LOOGA GAARAY MADMADOOWGII KA DHEX JIRAY BEESHA.
Waxaa gogoshan fidiyay Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayoow oo Beesha Haraaw u matala Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya taasoo ujeedadaeedu ahayd sidii loogu gabab gabayn lahaa kulamo dib u heshiisiin ah oo dhowaanahan Beesha Haraaw uga socday Magaalada Baydhabo.
Waxaa Gogoshan ka soo qaybgalay Odayaal dhaqameedyo ka tirsan Golaha Malaaqyada k.G.S, Nabadoonada Sedexda Jilib ee Beesha Haraaw ay ka koobantahay iyo Malaaqa Guud ee Beesha.
Qaar ka tirsan Nabadoonada Beesha Haraaw oo gogosha lagu soo gunanaanadayay Khilaafkii iyo madmadoowgii soo kala dhaxgalay Beesha ayaa sheegay in ay dhammaantood ku faraxsanyihiin xalinta Mushkiladihii ka dhex jiray Beesha ee salka ku hayay dhaqanka iyo siyaasadda.
Odayaasha dhaqanka Malaaqyad Koofur Galbeed oo iyagana qeyb ka haa dadaaladii dib u heshiisiinta beesha dhexdeeda oo ka hadlay gogosha ayaa hadalo dardaaran iyo waano u badnaa ka jeediyay.
Xildhibaan Aadan Ibaraahim Dhaayoow oo ah mudanaha Beesha ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Gogosha Martiqaadka fadiyay ayaa madasha ka jeediyay khudbad dhamaan ka soo qeybgalayaasha ku beertay iscafin iyo in wixii iminka ka danbeeya iska ilaaliyaan khilaaf is eegid dhexdooda ah.
Waxay ahayd gogol nabadeed oo Beesha Haraaw khilaafaadkii ka dhaxeeyay ee soo jiitamayay ilaa bartamihii 2017dii ilaa iyo Maanta lagu xaliyay iyadoo ay goob joog ka yihiin Isimada, Nabadoonada iyo Odayaasha dhaqanka Golaha Malaaqyada Koofur Galbeed isla markaana horseeday in is cafin iyo isa saamixid Beesha haraaw kuwada aamiinsatay.