DAAWO: Ciidamada Koonfur Galbeed oo maanta si rasmi ah ula WAREEGEY iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka degay Deegaanka Baled doogle
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Arbaco ah kormeer shaqo ku tagay degaanka Bali-doogle ee degmada Wanlaweyn oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana ka qeybgaley xaflad ay ciidamada ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed oo ay dowlada ETHIOPIA aad u tababartey oo si raami ah maanta ula wareegeen Garoonka Diyaaradaha ee Balidoogle.
Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehlinayay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ee Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Ibraahim Aadan Cali (Najax), Xubno ka tirsan labada Gole ee Maamulka, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka.
Ujeedka Madaxweyne Shariif Xasan uu ku tagay degaanka Bali-doogle ayaa waxa uu yahay in la dhiirageliyo Ciidamada Koonfur galbeed oo maanta si rasmi ah ula wareegey Garoonka Diyaaradaha ee Balidoogle iyo Howlgallada ciidamada maamulka ay ka wada dhammaan degmooyinka iyo degaanada Gobolka shabeelaha hoose iyo in kormeer uu ku sameeyo Ciidamo tababar uu uga socdo degaanka.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Shariif Xasan iyo wafdigiisa ayaa booqasho ku tagay xerooyin Ciidan oo ku yaalla degaanka Bali-doogle , wuxuuna halkaasi kula kulmay saraakiisha iyo Ciidamada oo uu ku dhiirageliyay in ay kordhiyaan dagaalka ay kula jiraan xoogaga ururka Al-shabaab.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo aanan la ogeyn inta maalmood ee uu qaadan doono safarkiisa ayaa caawa ku hoydey deegaanka Garoonka Balidoogle, Sidoo kale waxa uu Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay kormeeri doonaan degaano ka tirsan Gobolka oo ay ku sugan yihiin isla markaana tababar uga socda Ciidamada Koonfur Galbeed – DAAWO:
Advertisements