{WARSANRADIO} Munaasabada 8,Maarso oo ah maalinta caalamiga ee Haweenka Aduunka ayaa maanta lagu kala Qabtey Xafiiska Ururka Horomarinta Haweenka Waamo ee Degmada Baardheere iyo Xarunta Bulshada ee Baardheere waxaana ka qeyb galay Boqolaal dadweyne ah oo ay ku jiraan Mas,uuliyiinta Maamulka degmada Baardheere,Haween faro badan oo ka kala yimid Xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Baardheere .
Goobta munaasabada 8,da maarso ay ka dhaceysay ayaa dhamaan dadkii kala duwanaa ee ka soo qeyb galay xuska maalintan waxay dareen ahaan ay aad ugu faraxsanaayeen maalintan haween weynaha Aduunka ,waxaana ay ku labisnaayeen dharka hidaha iyo dhaqanka, iyagoona soo bandhigey Cuntooyinka hidaha iyo dhaqanka.
Fartuun Cabdulaahi Aden oo ah Gudoomiyaha Ururka Horomarinta Haweenka degmada Baardheere ee Waamo oo ka hadashey munaasabada ayaa waxay ku dheeraatay qiimaha ay maalinta haweenku dunida oo dhan ugu fadhido, iyadoo intaasi raacisay in halkudhigga 8.March ee sanadkani uu yahay (Taageer Haweenka Gobolka si ay nabada ugu shaqeeyaan, loona Cirib tiro waxbarasho la,aanta iyo Saboolnimada.
Sidoo kale Qureesho Aden Cumar oo ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka Degmada Baardheere ayaa sheegtay in ay ku faraxsan yihiin u dabaaldega munaasabada 8,da Maarso,iyadoo sheegtayna Haweenka had iyo jeer in ay laf dhabar u ahaayeen nolosha deegaanka.
Mas,uuliyiintii kale ee ka hadashey Munaasabada 8maarso ayaa waxaa ka mid ahaa Cabdulaahi Nuur Xasan Cadow oo ah Gudoomiyaha Baardheere iyo Xuseen Cabdulaahi Xalane waxayna dhamaantood ay ku dheeraadeen taariikhda ay soo mareen haaweenka soomaaliyeed iyo doorka ay ku leeyihiin Bulshada dhexdeeda.
Sanadka markuu ahaa 1977-dii ayay aheyd markii Qaramada Midoobay ay u aqoonsatay 8,da bisha Maarso in ay tahay maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Aduunka ,waxaana sanad walba laga xusaa guud ahaan dalalka Caalamka oo ay Soomaaliya ka mid tahay.