Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Caruur la sheegay in ay ku sumoomeen daawo direed ay cunneen.
Saddex caruur ah ayaa geeriyootay ka dib markii ay cuneen daawo direed sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka, waxaana sidoo kale asna isbitaal la dhigay Aabihii dhalay Carruurtaasi oo xaaladdiisa laga dayrinaayo.
Dhacdadaan ayaa waxa ay ka dhacday Xaafadda Tawakal ee Degmada yaaqshiid.
Dadka degaanka waxa ay xaqiijiyeen in Aabaha uu soo gadi jiray daawo direedka, ka dibna ay cuni jireen asaga iyo sidoo kale Caruurta, laakiin markii ay cuneen uu kusoo booday xanuun deg deg ah.
Hooyada Qoyska ayaa la sheegay iney iska diiday Cabista Caleentan taasoo keentay iney iyada kaliya ka badbaado.
Ilaa iyo hadda maamulka gobolka Banaadir iyo kan degmada Yaaqshiid, wax faahfaahin ah kama bixin dhacdadaan, waxaana saraakiisha ciidamada Booliska ay sheegeen in ay waddaan baaritaano.