{WARSANRADIO}Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa xilligan dood kulul ka leh heshiiskii muranka badan dhaliyay Dekeda Berbera, kaasoo horaantii bishan saami qeybsiga Dekedaas ay kala saxiixdeen Somaliland, dowladda Itoobiya iyo shirkadda DP World.
Kulanka oo goor dhow furmay ayaa Guddoonka Baarlamaanka waxaa uu furay ajandaha kulankan, iyadoo loo gudbayo in Xildhibaanada is qoraan, kaddibna ay ka doodaan.
Warar ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in dooda ku saabsan heshiiska Dekeda Berbera uu yahay mid xasaasi ah, isla markaana Baarlamaanka uu soo saarayo xeer ku saabsan Heshiiska Dekeda Berbera.
Xeerkan oo ka kooban qodobo dhowr ah ayaa waxaa la filayaa in Xildhibaanada ay cod u qaadaan, iyadoo qodobada ay ka mid yihiin in Shirkadda DP World laga mamnuucayo dalka iyo in heshiis kasta oo ay gashay uu waxba kama jiraan yahay, isla markaana sharciyad ku dhisneyn.
Wariyaha Jowhar.com ee Muqdisho oo arkay qodobo ka mid ah xeerka hor-yaala Golaha shacabka ayaa lagu eedeeyay DP World inay ku xadgudubtay madax banaanida Midnimada iyo bedqabka dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya, sidaas darteed dalka laga mamnuucay.
Waxaa kaloo Ra’iisul Wasaaraha lagu wargelinayaa in xeerkan uu gaarsiiyo Madaxa Xukuumadda dowladda isu tagga Imaaraadka Carabta.
Xeerkan ayaa haddii uu isku raaco Baarlamaanka waxaa uu sii xoojinayaa xiisadda ka taagan Heshiiska Dekeda Berbera oo ay horay Xukuumadda Soomaaliya uga soo horjeesatay, isla markaana sharci darro ku tilmaamtay.