{WARSANRADIO}Warar goor dhow aan ka helnay Xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegaya inuu guuldareystay isku daygii Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka ay mooshin kalsooni kala noqosho ka geeyeen Guddoomiye Jawaari.
Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaano gaaraya 16 ay ka laabteen Mooshinka, isla markaana 91 Xildhibaan ay ku soo aruureen Xildhibaanada, sidaas darteedna loo baahnaa in 92 Xildhibaan.
Dastuurka ayaa dhigaya in 3/1 (Seddex Meel hal meel) ay soo gudbin karaan mooshinka ka dhan ah Guddoomiye Jawaari.
Guddiga Joogtada ayaa sheegay inuu fashilmay mooshinkii laga keenay Jawaari, kaddib markii tiradii loogu tala galay ay ku buuxsami weyday, isla markaana shuruudihii looga baahnaa ku gudbi waayay
Xubnaha Guddiga Joogtada ayaa weydiistay Guddoomiye C/wali Ibraahim Muudey inuu soo bandhigo tirada rasmiga ah ee saxiixay mooshinka, si mooshinka u dhaqan galo, balse ma aanu soo bandhigin, isagoo ku adkeystay in tirada ay dhan tahay.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u muuqda in qalalaase siyaasadeed uu dhexda ka galay, iyadoo maalin ka hor la furay Kalfadhigii 3aad ee Golaha shacabka, waxaana dad badan saadaalinayaan in qalalaasaha hada bilowday inuu saameyn ku yeelan karo hey’addaha dowladda, sida Xukuumadda