Wasaaradda caafimaadka dowlada KGS ayaa maanta xustay maalinta caalamiga ah ee cudurka qaaxada, taasoo sanad walba ku beegan marka la gaaro 24 bisha maarso. Mas’uuliyiinta wasaaradda caafimaadka oo ka hadlayay munaasabad lagu qabtay xarunta wasaaradda ee Baydhabo ayaa sheegtay sanadkaan inay kor ukacday tirada dadka daawooyinka usoo doonanaya xarumaha caafimaadka dowliga ah, taasoo ay sheegeen inay muujinaysa in guul muhiim ah laga gaaray xanuunkaan, inkastoo cudurku kusoo badanaya gudahaDegaanada KGS.